Deeq A. Posted January 17, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya Dab dabsaday xarumo ganacsi oo ku yaala nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee Muqdisho. Dabka oo la sheegay inuu ka dhashay Koronto ayaa waxa uu baab’iyay qayb kamid ah xarumihii uu qabsaday, oo uu ku jiro Tukaan lagu iibiyo qalabka dhismaha. Gaadiidka dab damiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkada Isgaarsiinta Horumuud ayaa ku guuleystay inay damiyaan Dabka. Khasaaraha ugu badan ee ka dhashay Dabka ayaa la tilmaamay inuu yahay mid Hantiyadeed, inkasta oo aanan la shaacin tirada saxda ah. Waa dabkii saddexaad oo muddo labo todobaad gudaheeda ka kaco qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho. The post Khasaaro ka dhashay Dab ka kacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites