Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumuu ahaa ninka Israel u dhashay ee Al-Shabaab ay ku dileen weerarkii Nairobi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsade u dhashay Israel hayeeshee heystay Dhalashada Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadkii 21ka qof ahaa ee ku dhintay weerarkii Talaadadii ka dhacay magaalada Nairobi.

Ninkan waxaa lagu magacaabi jiray Jason Spindler, waa Ganacsade u dhashay Israel, degganaana Gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Waxaa uu ka hor weerarkii 2001dii ka dhacay Mareykanka ahaa falanqeeye ka tirsan Waregeyska Wall Street Journal.

Weerarkii Mareykanka ay u bixiyeen 9/11 ee sanadkii 2001dii ka dhacay Mareykanka ayuu ka mid ahaa dadkii ka badbaaday.

Waxaa uu kaddib go’aansaday in uu sharikad ka shaqeysa horumarinta Ganacsiga ka hirgeliyay Nairobi Kenya.

Hooyada dhashay Ninka Mareykanka ahaa oo lagu magacaabo Sarah Spindler, ayaa TV-ga NBC u sheegtay in wiilkeeda uu Dunida 3aad u tagay sidii loo horumarin lahaa.

Meydkiisa ayaa loo qaaday Dalka Mareykanka,halkaas oo la sheegay in lagu aasayo gaar ahaanna Gobolka uu ku dhashay ee Texas.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this