Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab o war cusub kasoo saaray dhimashada weerarkii Nairobi (Tiro aad u badan)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay tiro cusub oo ah khasaraaha dhimasho ee ay sheegtay inuu ka dhashay weerarkii ay talaadii ku qaadday xarunta DusitD2 ee magaalada Nairobi.

Al-Shabaab oo markii hore sheegtay in 47 qof ay weerarka ku dishay ayaa waxaa hadda warbaahintooda ay werinayaan in dhimashada ay tahay 74 qof.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa arrintan caddeyn uga dhigay in 21 qof ay qirteen Kenyan-ka, sidoo kalena hay’adda Laanqayrta Cas ay shaacisay in 50 qof la la’yahay, halka meydadka 3 qof oo dheeri ah la helay.

“Macluumaadkan cusub ee soo baxaya islamarkaana cadeynaya in dhimashadu ka badan tahay 50 qof ayaa fadeexad ku ah Uhuru Kenyatta oo shalay warbaahinta u sheegay in weerarka lagu dilay 14 qof” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxa ay sidoo kale sheegtay in saraakiil caddaan oo Reer Galbeed ah iyo ciidamada la dagaallanka argagixisada ay gudaha ugu jiraan goobta weerarku ka dhacay, si ay u qariyaan, bay tiri, xaqiiqda.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii talaadadii ka dhacay magaalada Nairobi uu jawaab u ahaa hadalkii go’aankii madaxweyne Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this