Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Mareykanka oo si kulul u beenisay arrin laga faafiyey oo la xiriirta weerarkii Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si xooggan u beenisay warar laga faafiyey oo ku saabsan inay horey usii ogeyd weerarkii Al-Shabaab ay talaadadii ka fuliyeen magaalada Nairobi.

Safiirka Mareykanka ee Kenya, Bob Godec ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dowladda Mareykanka aysan wax akhbaar ah ka helin weerarkaas ka hor inta uusan dhicin, sida lagu faafiyey baraha bulshada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Mareykanka uusan ka hor weerarka marnaba kula talin muwaadiniinta dalkaas ama shaqaalaha safaaradda inaysan tagin xarunta la weeraray ee DusitD2

“Waxaan aad u cambaareeneynaa in akhbaar been ah la faafiyo xilli ay musiibo dhacday, taasi oo kaliya dhaawaceysa dadaallada looga guuleysanayo argagixisada” ayuu yiri Bob Godec.

Safiirka Mareykanka ee Kenya, Bob Godec ayaa ballan-qaaday in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto inay la shaqeyso oo ay gacan siiso dowladda Kenya.

“Waxaan ku celineynaa tacsida aan u direyno ehellada iyo saaxiibada dhibanayaasha weerarka, waxaana kuwa dhaawaca ah u rajeeneynaa soo kabasho wanaagsan” ayuu yiri Bob Godec.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this