Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog:Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somaliland & Xisbiga Kulmiye oo loo wadwado Xilka wasiiru-dawlaha Awqaafta & Arimaha Diinta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Somaliland & Xisbiga Kulmiye oo loo wadwado Xilka wasiiru-dawlaha Awqaafta & Arimaha Diinta Soomaaliya

bukhaari.jpg

Sida ilo-wareedyo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warbaahinta Madaxa banaan Xildhibaan Saleebaan Cawed Cali Bukhaari oo ka tirsan Barlamaanka  Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye ayaa beryahan danbe la hadal hayaa in qadiyadiisu (Damaciisu) u gudubtay Magaalada Muqdisho halkaas oo la sheegay in Xubno ka tirsan Xukumada Farmaajo & Barlamaanka Somalia u wadwadaan Xil wasiiru-dawle oo uu hore u diiday Xeer ilaaliyihii Xilka laga qaadey Ibraahin Iidle Saleebaan  oo ay isku Ardaa Hoose ka soo jeedaan.

Xildhibaan Saleebaan Bukhaari oo degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa ka mida xubnaha badiyaaba Beeshiisu u metala,Xukumada Muuse Biixi,Barlamaanka & Xisbiga Kulmiye,Islamarkaana aad wax ula soo boobay Xukumadii waqtigeedu dhamaadey ee Siilanyo,Tan Muuse Biixina isku mawqif ahaayeen intii ka horeysay Mudooyinka danbe ee Damacan Somaliya ku soo kordhay oo uu u dhaqaaqey Jiho khaldan inkastoo uu weli Filim Kartoon u dhigaayo Muuse Biixi sidii nin la Jaal ah.

Xildhibaan Bukhaari ayaa la sheegay inuu aad u quudaraynayo loona wadwado Xilka Wasiiru-dawlaha Wasaarada Diinta & Awqaafta Soomaaliya oo ah Wasaarada ay maraan,islamarkaana maamusha Deeqaha Buurbuuran ee Dawladaha Carbeed ee Qaniga ah & Hayadaha kale ee Muslimiinta Caalamku siiyaan Soomaaliya.Sidoo kale waxay wasaaradani maamushaa Arimaha Xujaajta oo lacag badan laga macaasho & Sadaqooyin kale oo dad muxsiniin ahi bixiyaan Balse Qiyaas ahaan Boqolkiiba Todobaatan la leexsado,Lagana Taajiro ,Arimahaa & Kuwo kale oo qarsoon ayaa la filayaa inu Xildhibaan Bukhaari ku doortay Xilkan.

Geesta kalena Saleebaan Bukhaar oo xukumadii Siilanyo waxooga Faraguudkood ah u daadin jirtay ayey beryahan danbe tan & intii Xukumada Muuse Biixi Talada qabatay wajahay Lacag La’aan & Busaarad weyn maadaba uu fahmi la’yahay sidii Handaraabka Muuse looga gudbo.

Ku darsoo,Xildhibaan Bukhaari ayaa Maalmahan waxaa laysla dhexmarayaa inay ka soo ugaamayaan Weedho Cataw & Cabasho u badan oo muujinaya in Albaabada laga xidhay Markii Fartiisa subaga lagu dhuqay.

Isku soo wada duuboo Saleebaan Bukhaari oo hore ugu tirsanaan jiray Kooxaha Waxdada Soomaaliya ayaa khibrad dururgsan u leh casharo badan oo ku saabsan Dheefta & Macmaanku Jihaday ka jiraan iyo weliba sida loogu nacamleeyo ama loogu biiro hadba kooxdii  dhaqaale lagu tuhmo ama wax gacanta ku haysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this