Deeq A. Posted January 17, 2019 Ankara ( Sh. M. Network )-Wasiirka amniga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo wafdi oo hogaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga Mr Islow ayaa kulan kula qaatay magaalada Ankara wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi Suleyman Soylu oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah. Labada wasiir ayaa isla soo qaaday xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa warbaahinta u sheegay in ay ka wada hadleen sidii Turkigu uu sare uga qaadi lahaa barnaamijyada horumarinta, arrimaha gargaarka iyo xoojinta amniga Sidoo kale labada wasiir ayaa isla soo qaaday heshiis labo geesood ah oo Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen sanadkii tegay ee 2018-kii. Ugu dambeyn wasiir Ducaale ayaa xusay in marnaba aysan hilmaami doonin taageerada dowladda Turkiga ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. The post Wasiirka amniga XFS Oo la kulmay dhiggiisa Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites