Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amniga Oo howlgallo ka sameeyay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi.

Taliye ku xigeenka saldhigga Booliska ee degmada Afgooye Dhame C/laahi Axmed Xalane oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi.

Waxaaana uu sheegay in lagu soo qab qabtay illaa 10 Qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Afgooye ka dhacayay weeraro xoogan oo Al Shabaab ay ka fulinayeen gudaha magaaladaasi.

The post Ciidamada amniga Oo howlgallo ka sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this