Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab qabsaday kaalin Shidaal oo ku taala Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dab qabsaday kaalin Shidaal oo u taalla halkaasi.

Lama ogga waxa dhaliyay Dabka, kaasi oo lagu soo waramayo inuu yahay mid baaxad leh, oo qaybo kale kusii baahaya.

Khasaaro ubadan mid hantiyadeed ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay, inkasta oo aanan la haynin tirakoobka rasmiga ah.

Gaadiidka dab-damiska ayaa ku howlan sidii ay ubaq-tiijin lahaayeen Dabkaasi, iyaga oo durba meesha gaarey.

Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe Insha Allah

The post Dab qabsaday kaalin Shidaal oo ku taala Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this