Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhacdooyinka xiisaha leh ee laga qoray weerarkii Nairobi “Dhimasho ayaan isku diyaariyey” + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dhowr iyo toban saacadood oo cabsi, argagax iyo sugnaasho la’aan ah kaddib Robert iyo Patrick iyo qaar kaloo iyagoo kale ah ayaa ugu dambeyn laga soo badbaadiyey dhismaha DuSitD2 ee magaalada Nairobi, halkaasoo weerar argagaxisanimo lagu qaaday casarkii Talaadada.

Waxaan kula kulmay albaabka DuSitD2 hotel ee 14 Riverside Drive. Waxay iiga sheekeeyeen wixii ay u soo joogeen dhowr iyo tobanka saacadood ee ay dhismaha rasaasta iyo qaraxyada ka socdeen ay ku dhex xayirnaayeen.

“Waxaan iska dhigay sidii wax dhintay oo kale. Waan joojiyay inaan nolol ka fekero,” ayuu yiri Patrick oo sidoo kale lagu naaneyso Pat. “Markuu habeenku dumay, waxaan bilaabay inaan duceysto illaa laga gaaray 4am subaxnimadii (Arbacada) markaasoo aan maqlay dhawaqa askarta oo dadka badbaaday u sheegeysa inay soo baxaan si loo samatabixiyo.

Laakiin, sida badiyaa dhacdaba, Pat ma uusan aaminin dhawaqa— oo wuxuu u maleynayey kooxdii weerarka waday oo iska dhigeysa askar si ay dadka u khaldaan. Wuxuuse markii dambe aqoonsaday qaab hadalka lahjadda ay adeegsanayeen askarta taasoo keentay inuu bannaanka u soo baxo ugu dambeyn.

Mid kasta oo ka mid ah wuxuu leeyahay sheeko gaar ah: Kamau, oo 41 jir ah wuxuu sugayey wareysi shaqo uu filayey inay noqon doonto tii noloshiisa horumar u horseedi lahayd, hase yeeshee kursigii uu ku sugayey wareysiga shaqo (job interview) waxaa beddelay inuu ku dhuunto musqusha [suuliga] illaa ugu dambeyn uu indhaha saaray mid ka mid ah argagixisadii oo rasaas ku ridaya dadkii kala firxanayey.

Weerarkan qofba si buu u taabtay. Waxaa dadka naftooda qaaliga ku waayey ka mid ah Feysal Axmed iyo Cabdalla Daahir, oo ah labo nin oo dhalinyaro ah oo Soomaalida Kenya ka mid ah, kana shaqeynayey mashruuc dib u dhis iyo horumarin loogu sameynayo Soomaaliya. Labada saaxiib waxay markaa wada sugayeen qado ay ka dalbadeen maqaayadda, waxayna ku wada dhinteen isla goobtaa. Waxaa kaloo ku jira James Odour oo ah wariye sports iyo ciyaaryahan kubbada cagta, haddana u shaqeynayey shirkadda LG.

SHEEKADA SILVIA

Goobta meydadka la dhigo ee Chiromo, Silvia oo 30 jir ah ayaa baadi goobeysay saaxiibkeed (ay is guursan rabeen) oo maalmo kahor uun ka yimid Australia. Wuxuu qol ka degey hotelka DuSitD2. Daqiiqada weerarku dhacayo ayey khadka telefoonka ku wada hadlayeen, waxaase kala gooyey dhawaqa jugtii u horreysay. Wixii markaa ka dambeeyayna wax war ah kama aysan helin.

“Markii aan imid halkan [qolka meydka] waxaa la i tusay dharkii laga saaray dhammaan dadkii la keenay goobta. Waxaan aqoonsaday dharkiisa. Welina la iima oggolaan inaan arko meydka.” ayey ii sheegtay.

Isla markiiba waxa soo galay koox hal qoys ka kooban. Iyaguna sida Silvia, ayey raadinayaan qof ehelkooda ah oo loo maleynayo inuu geeriyooday. Waxaase saraakiisha qeybta meydadka maamusha ay u sheegeen in kaliya booliska loo oggol yahay inay gudaha galaan, meydkana ku wareejiyaan ciddii ehel u ah kaliya marka si rasmi ah loo xaqiijiyo aqoonsiga qofka geeriyooday iyo dadka sheeganaya inay ehel yihiin intuba.

Qof kasta oo ka mid ah dadkan wuxuu lahaa rajo iyo nolol uu doonayey inuu meel gaarsiiyo. Qaar waxay ahaayeen aabbeyaal, sey iyo saaxiibo la jecel yahay. Mid kastana wuxuu cidleeyay dad iyo guri laga jeclaa!!!

50557965_2188867561366892_75021826147452 50414447_2188867348033580_40234854497617 50014450_2188867181366930_99820752265543

Waxaa Qoray: Abdalle Ahmed Mumin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this