Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka reer galbeed oo shaaciyey xog cusub oo ku saabsan weerarkii Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa la sheegay in lagu wargeliyay xogta weerarkii Shabaab ay ku qaadeen talaadadii Hotel wayn oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sirdoonka reer Galbeed, ayaa sheegay Bishii November ee sanadkii la soo dhaafay dowladda Kenya inay u sheegeen macluumaad ku saabsan inuu jiro weerar Shabaab ay doonayaan inay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Waxa ay sheegeen reer Galbeed in dowladda Kenya sidoo kale lagu wargeliyay suurtagalnimada weeraro Shabaab ay ka fuliyaan goobihii lagu dhigaayay dhalashada Sanadka 2019.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Reer Galbeedka, ayaa sheegay Dowladda Kenya inay dhagaha ka furaysatay arrintaasi oo jawaab aysan ku celin reer Galbeedkii siiyay xogtaasi.

Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in Saraakiisha ugu sarreysa Ciidanka Kenya dhowr jeer loo gudbiyay xogta ku aaddan weerarkan oo ay Reer Galbeedka la socdeen laakiin aan feejignaan laga qaadan sidaasna ku dhacay.

Sarkaal ka mid ah Sirdoonka Kenya ayaa isaguna The Guardian u xaqiijiyay in qorshaha weerarka ay heleen laakiin Al Shabaab ay beddeleen halkii uu bartilmaameedku ahaa.

Sarkaal kale oo ka mid ah Sirdoonka Kenya ayaa isna AP u sheegay in xogta weerarka la hayay laakiin Hay’addaha Sirdoonka Kenya ay ku wareersanaayeen halka lala beegsanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.comm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this