Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar cusub oo weerarkii Nairobi kasoo kordhay iyo Kenya oo shaacisay in 9 qof…

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’addaha Ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen 9 qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla magaalada Nairobi

Habeenkii Arbacada ayay booliska sheegeen in lasoo afjaray howlgalka ka dhanka ah weerarka oo ay ku dhinteen 21 qof. Si katsaba, Ha’yadda laanqeyrta cas waxay sheegtay in 14 qof ay weli maqan yihiin.

Laanqeyrta cas waxay sheegtay in dad gaarayo 595 qof ay u fidiyeen la talin dhanka caafimaadka ah.

Koox ka socota ha’yadda laanqeyrta cas ayaa gaartay xarunta meydadka lagu keyddiyo ee Chiromo halkaas oo ku qulqulayaan dad badan oo eheladooda dhibaato kasoo gaartay weerarka si ay la tallin u siiyaan.

In ka badan 700 qof ayaa laga soo badbaadiyay dhismaha la weeraray.

Madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in weerarkii hoteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday. Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii talaadadii ka dhacay magaalada Nairobi uu jawaab u ahaa hadalkii go’aankii madaxweyne Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this