Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada qalabka side ee Soomaaliya oo xukun dil ah riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay Dable Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka tirsanaa xoogga dalka islamarkaana hore u dilay askari kale oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya.

Dable Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa lagu helay in uu hore u dilay Alifle Salaad Xassan Maxamed oo isna ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/sare Xassan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday eedaysanahan oo ah qisaasta Alifle Salaad Xassan Maxamed.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda ciidamada qalabka side ee Soomaaliya oo xukun dil ah riday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this