Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca CIP oo Garoowe ka qabsoomay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda eek a faaiideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalah iyo hay’adaha dawladda ee CIP ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland.

Shirka ayaa waxaa lagu lafo guray qorshaha mashruucaan ay wadaagaan qayb kamid ah hay’adaha dawladda ee sannadkaan cusub iyo waxyaabihii qabsoomay sannadkii tegey ee 2018ka iyadoo laysla qaatay in sannadkaan cusub uu noqdo mid looga faa’iideysto si ka duwan sannadihii hore.

Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan agaasimeyaasha iyo xubno kamid ah shaqaalaha hay’adaha ka faaiideysanaya mashruuca iyo xubno ka socda guddiga filinta mashruuca ee PCU ayaa lagu  gorfeeyey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira hay’adahaasi ee uu mashruucu ka taageeri karo.49761478_2215702622003107_12287652540501 49948373_2215701758669860_21111542548099 50064351_2215702255336477_15490717817031 50110616_2215702702003099_51846159124765 50252832_2215702335336469_87622425166374 50255653_2215702355336467_20822857652738 50327280_2215701668669869_57667863298787 50460001_2215701702003199_25854905546493

The post Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca CIP oo Garoowe ka qabsoomay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this