Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare oo soo bandhigay lacagihii soo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga dhismaha garoonka kubada cagta Mire Awaare Studium ee Garoowe ayaa maanta soo bandhigay lacagta ay uruuriyeen tan iyo markii guddigaasi loo magacaabay taakuleynta garoonka.

Guddigu waxay soo bandhigeen lacag ka badan $183,000 Dollar, taasoo la qorshaynayo in lagu bilaabo wejiga kowaad ee dhismaha garoonka,waxaana lacagta bixiyay dad kala duwan oo u badan mas’uuliyiin iyo ganacsato,inkastoo weli la la’yahay lacago kale oo ay ballan qaadeen qaar kamid ah murashixiintii u tartamay xilka madaxweynaha Puntland iyo shakhsiyaad kaleba.

Warqad uu guddigu soo saaray ayaa lagu caddeeyay shaxanka dhammaan mas’uuliyiintii,ganacsatadii,murashixiintii iyo shakhsiyaadkii kale ee bixiyay lacagta,iyadoo guddigu ay dadka weli harsan ee ballan qaadyada sameeyay ay ka codsadeen in ay ka dhabeeyaan ballanqaadyadooda.

bandhigid-lacag.jpg?resize=1000%2C1294&s

IMG_9844.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_9878.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_9890.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_9918.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_9921.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_9930.jpg?resize=640%2C427&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare oo soo bandhigay lacagihii soo gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this