Sign in to follow this  
Deeq A.

“Weerarkii Nairobi Wuxuu Jawaab U Ahaa Go’aanka Mareykanku Qudus Ugu Aqoonsaday Caasimada Isra’iil…” Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Al-Shabaab oo soo saartay war qoraal ah waxay sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa waxa ay ku tilmaantay “hadalka aan xikmadda ku dhisnayn” ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel.

D0E72159-2DC8-4AB9-9A3B-02835301AA20_w10

Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa xadgudubka dawladda Israel ay ku hayso Muslimiinta reer Falastiin.

Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarkaas loogu magacdaray, “Al-Quds marna noqon mayso magaalo Yuhuud”.

Madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in weerarkii huteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday. Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this