Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Israa’iil Oo Baadhaya Eedaymo Ah In Galmo Lagu Dhaafsaday Si Loo Helo Shaqooyin Garsoor

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Israa’iil)-Booliska isra’iil ayaa xabsiga u taxaabay garyaqaan heersare ah arrintaas oo qayb ka ah baadhitaan ku aadan eeda ah in magacaabista jagooyinka garsoorka lagu helo galmo.

Garyaqaankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta waxaa laga mamnuucay inay tebiyaan xog dheeraad ah oo kiiskan ku saabsan.

Balse booliiska ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay magacaabista haweeney loo magacaabay inay xaakim ka noqoto maxkamad madani ah iyo iskuday in nin xaakim ah loo dalacsiiyo maxkamad degmo.

Xeer ilaaliyaha guud, Avichai Mandelblit, ayaa lagu soo waramayaa in naftiisa uu ka bedbaadiyay kiiskan sababtoo ah waxa ay saaxiib yihiin eedeysanaha ugu weyn.

Wasiirka cadaaladda, Ayelet Shaked, iyo gudoomiyaha Maxkammada Sare Esther Hayut, oo qayb ka ah Guddiga shaqaaleysiinyta garsoorka ayaa la filayaa inay ka hor muuqdan guddiga baaritaanka sameynaya si ay u markhaati furan.

Booliska ayaa warbixin ku sheegay in waaxda booliska u qaabilsan ka hortagga musuqmaasuqa ay laba usbuuc ka hor bilaabeen baaritaan kaddib markii lagu wargeliyay shaqooyinka garsoorka.

Subixii hore ee maalinti Arbacada waxaa xabsiga loo taxaabay nin garyaqaan ah halka booliiskana ay hore su’aalo u weydiiyeen labo qof oo laga shakisanyahay, labadaas qofna waxa ay kala ahayeen haweeeney garsoore ka ah maxkamadda iyo gabadh qareen ah.

Booliska ayaa sidoo kale sameeyay howlgalo baaritaano ah waxayna gacanta ku dhigeen dikumeentiyo muhiim ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this