Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgarad si kulul u Cambaareeyay Weerar Ciidamada Kenya ku bur buriyeen Xarun Shirkadda Hormuud ku leedahay J.Hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Imaam Cumar Macalin Abshir oo  ka hadlayay weerarkii ay ciidamada Kenya ku gubeen xarun ay shirkada Isgaarsiinta Horumuud ku leedahay deegaanka Cali-buuley oo qiyaas ahaan 30-km dhanka galbeed kaga beegan dagmada afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Imaamka, oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa ugu horeyn sheegay in uu murugada la qaybsanayo maamulka shirkada Horumuud Telecom.

Sidoo kale Imaamka  oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si kulul ucambaareeyay falkaan soo noq noqday kuna tilmaamay in uu yahay mid gar-daro qaawan ah oo cidamada Kenya ku beegsanayaan xarrumaha hormuud.

Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer gubay xarumo Shirkadda Hormuud ay  ku leedahay deegaano hoostaga gobollada Jubooyinka iyo Gedo mana jirto wax war ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay Kenya ee ku aadan  sababta ay u bartilmaamsanayaan xarrun shirkad Isgaarsiin  oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

The post Waxgarad si kulul u Cambaareeyay Weerar Ciidamada Kenya ku bur buriyeen Xarun Shirkadda Hormuud ku leedahay J.Hoose. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this