Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo DF kala shaqeyneysa soo celinta Iskaashiga iyo Midnimada Somalia.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh.M.Network):-Mudane Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash) Madaxweyne ku xigeenka Cusub ee Puntland oo shalay hadal ka jeedinayay Munaasabaddii Caleemo saarka Madaxweynha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxa’ed Lafta Gareen ayaa ka dhawaajiyay in maamulka Puntland ay haatan wax Badan kaga duwanaan doonaan  marka loo eego hab dhaqamada madaxdii iyaga ka horeeyay ee maharaha u hayay puntland.

Mr Karaash ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland hadda ay ka jilcanthy sidiii hore ,Siyaasad ahaan ayna meel iska dhigi doonaan Siyaasaddii Qallafsaneed ee madaxdii ka horeysay taas oo ragaadisay Soomaalida inteeda kale.

Waxaana uu Ku nuux nuuxsaday in ay u tafa xeedan doonaan sidii ay hormuud uga noqon lahaayeen ka shaqeynta isku duubnimada Bulsho weynta Soomaaliyeed islamarkaana meel looga soo wadajeesto Tafaraaruqa hareeyay umadda Soomaaliyeed.

Hadalka Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa yimid xilli si weyn looga dhur sugayo hanaan maamulka Puntland iyo isbedelada ka hana qaadi kara halkaas kadib doorashadii hoggaanka maamulkaas ee dhawaaan ka dhacday magaalada Garoowe.

 

Shacabka Soomaaliyeed ayaa u hamuun qaba is faham LA taaban karo oo u dhexeeya Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada hoostaga si looga Mira dhaliyo howlaha horyaala Madaxda Soomaaliyeed taas oo dalka gaheysiin karta Soo celinta Heykalkii dowladnimo ee horay u bur buray..

 

Ugu dambeyn Indheer garadka ayaa rumeysan in ay muuqanayso ififaalo wanaagsan taas oo timid kadib markii Masuuliyiinta sar sare ee dowladda Federaalka Gaashaanka u daruureen in ay aqbalaan damacii hungoobay ee Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyad ay Ku doonYeen in ay Ku wiiqaan dowladda dhexe ee uu majaraha u hayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

 

The post Puntland oo DF kala shaqeyneysa soo celinta Iskaashiga iyo Midnimada Somalia. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this