Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in uu soo afjarayo Khilaafka u dhexeeya DF iyo Maamul Goboleedyada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu haatan guda galeyso sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka kala dhexeeyo Madax Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khilaafka haatan ka dhex aloosan dowladda iyo maamul Goboleedyada uusan dun ugu jirin shacabka oo Madaxdooda uga fadhiya wax qabad la taaban karo.

Sidaas daraadeed ayuu sheegay in uu hoosta ka xariiqay sidii loo soo gaba  gabeyn lahaa Khilaafkaasi islamarkaana uu doonayo in labada dhinac ku wada gorfeeyaan  arrimaha ay isku maandhaafsan yihiin miiska wada hadalka.

Madax Goboleedyada ayaa horay ugu dhawaaqay Golo Iskaashi ka dhan ah dowladda dhexe ee Somalia , walow qaar ka mid ah Hoggaamiyayaashii Majaraha u hayay golahaasi waji gabax kala kulmeen doorashooyin Madaxweyne oo ka dhacay deegaanadooda.

The post Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in uu soo afjarayo Khilaafka u dhexeeya DF iyo Maamul Goboleedyada. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this