Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahinno laga helayo Xiisad beeleed ka taagan duleedka degmada Afmadow.

Recommended Posts

Deeq A.   

Afmadow ( Sh.M.Network):-Wararka laga helayo deegaanka Goobeeyo oo hoostaga dagmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhexeysa Labo Maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay deegaankaasi.

Dagaalkii shalay ayaa la soo warinayaa in ay ku dhinteen 6 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo dirirtooda la sheegay in ay  salka ku hayso aanooyin qabiil.

Waaxaana dadka deegaanku intaas ku dareen in ay soo food saartay cabsi iyo wal wal ay ka qabaan in mar kale food is daraan dhinacyada labada maleeshiyo Beeleed ee ishorfadhiya.

Ma jirto  cid kala dhex gashay labadaasi maleeshiyo ee xiisadu ka dhex aloosantahay , marka laga reebo in dadallo xal doon ah haatan ay bilowdeen

The post Faah Faahinno laga helayo Xiisad beeleed ka taagan duleedka degmada Afmadow. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this