Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Ka dhashay weerarkii Kenya oo sii korortay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network):-Khasaraha dimashada ee ka dhashay weerarkii Al Shabaab  ay maalin ka hor ku qaadeen Hotelka Dusitd2 ayaa la sheegay in au korortay sida ay sheegeen masuuliyin ka tirsan dowladda Kenya.

Dadka kudhintay weerarkaasi ayaa la sheegay in haatandhimashadu gaarayso 21 qof waxaana lala’yahay 50 qof kale kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay hoteelakasi ku jireen sida ay xaqiijisay hay’adda Bisha Cas ee dalka Kenya.

Ciidamada Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen labo qof oo lagu eedeyay  in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi kuwaasi oo haatan gacanta ugu jira laamaha ammaanka dalka Kenya.

Xarakkada Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaasi waxaana ay xuseen in weerarka ay ku qaadeen Xarunta Kenya ee Nairobi islamarkaana ay ku dileen 47 qof oo ku sugnaa halkaasi.

Al Shabab ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay ku qaadeen hoteelka ku yaalla magaalada Nairobi uu ahaa mid ay uga jawaabayeen go’aankii madaxweynaha Mareynakanka Donald Trump uu caasimada is real ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Qudus ee dhulalka la heysto ee falastiin.

Salaasadii aynu ka soo gudubnay ee taariikhdu ku asteysaneed 15ka January 2019 ayey ahayd markii weerar waqti badan qaatay rag hubaysan ay ku qaadeen hotel raaxo oo ku yaalla magalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

 

The post Khasaaraha Ka dhashay weerarkii Kenya oo sii korortay. appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this