Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF Somalia oo soo bandhigtay ciidan cusub oo howlgal qorsheysan loo diyaariyay (Daawo)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ugu sareeyo ayaa ka qeyb galay dhoolatus ciidamo cusub ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xooga S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Abaanduullaha Ciidanka XDS S/guuto Odowaa Yuusuf Raage,Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta iyo Saraakiil kale ayaa  ka qeyb galay dhoolatus Meletari.

Ciidamadan ayaa tababar gaar ah wuxuu kaga socday xero ciidan oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ujeedada tahay inay door weyn ka ciyaaraan howlgalada gaarka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Saraakiisha ciidamada xooga oo la hadlay ciidamadan ayaa sheegay inay muddo tababar qaadanayaan, islamarkaana loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al SHabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu Tilmaamay in uu aad ugu farxay dhoola-tuskii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen Ciidanka, isaggoo kula dardaarmay inay noqdaan kuwa kasoo baxa waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

1-73.jpg 2-72.jpg 3-64.jpg 5-43.jpg 6-37.jpg 8-25.jpg 9-19.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this