Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa sidee xiriirka Saciid Deni iyo Axmed Madobe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Dhawaan ayey ahayd markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni kaddib doorasho adag oo uu la galay 21 musharax oo kale.

Guusha Deni waxa ay noqotay mid ay isku si u soo dhaweeyeen dowladda Federal-ka ah iyo kooxaha mucaaradsan, hase yeeshee, wali lama oga Deni iyo xulufadiisa dhabta ah.

Taas oo ay jirto, waxaa dhambaallo hambalyo ah u wada diray Deni maamulada kale oo ay ugu horreeysay Jubbaland.

In Siciid Cabdullahi Deni Madaxweyne ka noqdo Puntland waxa ay sababtay su’aalo badan oo aan wali jawaab loo helin sida; Masiirka Golihii Iskaashiga, sheegadiisa Dhaamjadiid iyo Nabad iyo Nolol iyo Imaaraadka.

Qaar ayaa jira oo uu si dadban uga jawaabay sida in Golaha Iskaashiga Dastuuri yahay balse uu si buuxda ula shaqeyn doono dowladda dhexe halka kuwa kale uu u dhaafay in waqtiga ka jawaabo.

Hase ahaatee, Caasimadda Online waxa ay heshay xog hoose oo ku saabsan xiriirka Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waa marag ma doon in xiriirka Deni iyo Madoobe jiheyn doono masiirka Golahii Iskaashiga oo ay meesha ka bexeen raggii sameystay sida Shariif iyo Gaas iyada oo ku xiran hadba sida xiriirkoodu yahay.

Caasimadda Online oo ay u warrameen ilo ka ag dhaw Siciid Cabdullahi Deni waxa ay xaqiijiyeen in uu xun yahay, waliigiina xumaa xiriirka ka dhexeeya Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Axmed Madoobe.

Ilo wareedka xogta sida hoose u siiyey Caasimadda Online ma xaqiijin halka uu salka ku hayo xiriirka xun ee labada masuul ee ka kala arrimiya labada maamul ee ugu saameynta badan dowladda dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this