Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shegtay in qorshe halis ah oo loogu maleegay ajnabiga ay DF u wado Bankiga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, ayaa shaaca ka qaaday in ninka ajaanibka ah ee loo magacaabayo Baanka dhexe ee Somalia uu halis ku yahay Somaliland.

Warancadde ayaa sidoo kale sheegay in halistaas ay taabaneyso wadamada jaarka, maamul goboleedada kala duwan ee Somalia iyo mucaaradka ka soo hor jeeda dawladda federaalka, waxaanu ku taliyey in feejignaanteeda la yeesho.

“Arrinta laga hadlayo ee ah in Maamulka Muqdisho ay Bangiga dhexe u dhiibayso dad ajinabiya, runtii arintaasi waa arin aad iyo aad u qoto dheer, dabadana waxay ku haysaa arrimo Geeska Afrika halis ku ah” ayuu yiri Warancadde.

“Sida lala socdo dawladda Soomaaliya, inay gacan saar la leedahay Dawladdo khurbudaad ka wada Geeska Afrika, gaar ahaan Dawladda Qadar, waxaa la og yahay in lacago fara badan oo kaash ah lagu wax yeelo nidaamka dawladeed iyo wada jirka umadda Somaliyeed ee Koonfurta, iyo dhibaatooyin loogu tagalay in laga abuuro in lagu soo bixiyo lacago fara badan, lacagtaas marka la soo diro waxay ku soo dhacdaa, gacmaha dadka Soomaalida, oo ogaada, hore ayaa looga maahmay oo la yidhi Abaskuul meelna ma wada joogo, warna iskuma seegana, taasina waxay keentay in wax walba oo la soo shubo, oo loogu tagalay in markiiba la ogaada  hawlaha laga fulinayo, taas oo ay ugu dambaysay afartankii milyan, ee Guddida Dhaqaalaha Barlamaanka Soomaaliya fashiliyeen”

“Sidaas awgeed maamulka Muqdisho wuxuu go’aan ku gaadhay cid indho iyo dhega la’a, oo cidii aanay ogaan karin sirtooda, in loo dhiibo, lacagaha la keenayo, oo ay Dawladda Qadarna heshiis ku yihiin, sidaas awgeedna loo soo magacaabay nin si toos ah oo qarsoodiya u soo gaadhsiiya gacmahooda, waxaana loogu tagalay in lagu kharbudo maamul goboleedada Soomaaliya, xoogaga Mucaaradka ee ka soo hor jeeda Maamulka Muqdisho, iyo waliba Dawladdaha dariska ah ee ay Somaliland ka mid tahay, waxaana qabaa inay arintaasi runtii tahay arin halis ah, waxaana lala maagan yahay Somaliya iyo maamulidiisaba, sirtiisa iyo ogaanshihiisaba in nin iyo laba ay ku kaliyeysato, dadka Somaliyana intooda kalena laga qariyo, arintaasina waa arin halis ah, waxayna u baahan tahay in si qoto dheer loogu fiirsado”.

Cali Maxamed Warancadde, ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliland yidhi “Somaliland khatar iyo halis kasta oo loo maleegayo wey ka digtoon tahay, feejignaanteeda wey leedahay, Shacabka reer Somaliland waa Shacab qarankooda jecel, oo nabadooda jecel, oo aan sinaba raali uga noqoynin in waxyeelo loo geysto qaranimadooda iyo nabadoodaba,qaran ahaan, dal ahaan, dad ahaan iyo dawlad ahaanba waanu ka midaysan nahay ilaalinta qaranimadayada, cid waxyeelo la maagana ka yeeli mayno, waxaanu jecel nahay in aanu cid walba wanaag u muujino, balse cidii xad gudub nagu soo sameeysa, wanaag nagalama kulamayso”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this