Sign in to follow this  
Deeq A.

Siminaarada ay xisbiyada mucaaradka Soomaaliya qabtaan: Shaah dan leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Maalmahan dambe waxaaa soo kordhay barnaamijyo lagu sheegay siminaarro ay dhallinyaro u qabtaan xisiyada diwaan gashan ee dalka ka jira kuwaas oo muran inta badan abuura.

Ma mar iyo laba inta jeer ay dowladda is hortaagtay ama albaabada isugu dhufatay siminaarro ay soo abaabuleen qaar ka mid ah xisbiyada dalka ka jira sida Wadajir iyo xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiga.

Waxaa la xasuustaa maalin kahor mid ay xisbiga Wadajir u qabteen dhallinyaro da’yar oo ay dowladda horistaagtay  kaas oo maalin kahor isla sidaas ay Baydhabo uga celisay xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiga.

Arrimahan siyaasadda Soomaaliya ku soo kordhay waxa ay dhaliyeen muran xilli ay mas’uuliyiinta xisbiyada ka cawdeen jujuubka iyo caburinta dowladda.

Dhinaca dowladda wali kama bixin jawaab ku saabsan sababta ay tallaabooyinkaas u qaadeyso walow ay jiraan tuhun ah in ay fulineyso amarro ay hore u bixisay oo diidayey in la qabto kulamo siyaasadeed oo aysan dowladda la socon ama amar looga qaadan.

Si walba oo ay ahaataba, waxa ay bulshada is weydiinayaan ciyaartan cusub ee aan waxba ka badalneyn riwaawad ciyaaleedka lagu jilo KARTOONKA caanka ah ee loo yaqaan ‘Tom and Jerry!;

Hase yeeshee, markii aan maska tuujiyey oo aan rog rogay arrintan waxaan soo xusuustay sheeko magaaleed caan ah oo aan ku soo koobay waxa uu salka ku hayo SIMINAARRO SIYAASADEEDKAN  bilowday dabayaaqadii 2018 lana jaanqaaday 2019!

SHEEKO MAGAALEEDKA CAANKA BAXDAY!

Nin dhallinyaro ah ayaa hadda kahor laga hayyaa in uu ku kaftamay ama uga baxday dhaqanno laga yaqaan maqaayadaha ay gabdhaha shaaha ku ka riyaan “SHAAH DAN LEH!”

SHAAH DAN LEH?

Maqaayadaha lagu cabo shaaha ee ku teetsan laamiga waa ka caan gayyiga Soomaaliyeed oo badanaa waxaa ka ganacsata hablo/gadho.

Maqaayadahaas waxaa u soo sheeko iyo shah taga rag isugu jira dhallinyaro iyo rag waayeen!

Asxaabtaas soo shaah iyo sheekaba tagta waxaa loo qeybaa laba; 1. Kuwo shaah raadis ah oo aan wax kale u dheereyn 2, kuwo shaaha ugu hoos duugan yahay haasaawe!

Kuwa labaad, ee shaaha ku soo raadsada in ay kula sheekeysteen ama kula haasaawaan xataa haddii aysan shaah cabbid ka hayn, badanaa waa WAAJIB in ay dalbadaan shaaha, is ag dhigaan oo ay koobkaas saacad, laba ama saddex uu horyaal ama kabashada u beekhaamiyaan si joogista maqaayada ugu dheeraado! SHAAHAAS WAA MIDKA LOO BIXIYEY SHAAH DAN LEH!

Hadaba, soo lama oran karo SIMINAARADA ku cusub siyaasadda Soomaaliyeed, dowladdana ka daali weysay is hortaagooda, xisbiyadana ka nasan waayeen qabashadiisa, waa SIMINAARRO DAN LEH!?

Danta siminaaradaas waa xaajo kale oo qofba si ula muuqato, balse waxaa xaqiiq ah in xisbiyada iyo dowladda iska dhex arkeen biyaha hoostooda oo ay sheekaduba ka gudo ballaaran tahay caburin iyo arrimo kale!

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this