Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog Waranka Dhex Maray Muuse Biixi Iyo Xubnaha Jeegaanta Ee Xukuumada Ku Jira Oo Shugri Baandare Weheliso….W/Q Sakariye Awaare

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa Muuse Biixi oo fadhiya balakoonka sare ee Madaxtooyada, waxa la fadhiyey ninka la yidhaahdo Rodol ee duulista iyo Ina Cali

F58C58FD-9D88-4ADF-A425-A57D9FAABE8C.png

bile waxa u yimi Cabdiraxmaan faarax barwaaqo.
Barwaaqo: salaan ka dib ku ye. Madaxweyne Indr ma ogtahay in aan saaka awaamiir badan bixiyey oo xagga Warfaafinta ku saabsan.

Intaan Muuse jawaabin ayuu hadalkii boobay Rodol. ‘Haa. Anba haddaan u sheegayey waxiyaabo badan oo aan faray

dhammaan shaqaalihii hawada qaarna waaban eryey. Hhhhh.
Muuse: kkkkkk. Haye waar belaayaa tihiine. Haye.
Ina Barwaaqo ayaa ku noqday: Adeero een sannadkaa maanta ah ma jiro weriye kale oo meel kale u shaqaynayaa, innagii bay rabaan inay laba mushahar isku qaataan. Midda kale waxaan aad u daba galnnay warbaahinta oo waxa jira qaar badan oo intaa ina dhalliilaya. Xataa adiga Adeero handaraab ayay kuu bixiyeen.
Halkaa markii ay marinayeen ayaa waxa u soo galay Maayirkii Hargaysa.
Soltelco: “Bal warrama adeero” waar waa khayre.
Dabeed Muuse ayaa yidhi. Maasha allaah war muxuu naaxay ina Caydiid isagoo yar oo qori qallalan ah ayaa iigu dambaysay. Ina Barwaaqo iyo Rodolnna qosol ayay u dhaceen. Kkkkkkkkk waa run intii Siilaanyo ayuu naaxay imikana wuuba ka sii daray. maasha allaah weeye. Muuse ayaa kula sii kaftamay oo adeer maad GYM gashid ama sidayda yara Ororoddid subixii. Kkkkk hhhhh.
Soltelco ayaa sii watey: Adeero waddooyinkan badan ee xaafaddeenna ah. Markaa magacyadii ayaa ka dhiman ee maxaynu u bixinnaa.?
Muuse Biixi: dee adeer Ehlul -Bayt ayaynu nahaye reereheennaas mid ahaan ugu magac dar.
Haye adeero mid waxaan u bixinayaa Abaa Hurayra.
Muuse Biixi: waar adeer Abaa Hurayra inaga daayoo isaga qabiilkooda reer DAWS ayaa la yidhaahdaaye, Cali-ibnu Abii Daallib u bixi. Meelo badan ayaynu wax isaga ahayn isagee, miyaanad Shiikh Aadan Siiro ka dhegaysan. Waxa dhashay islaan ayeeyo inoogu beegne.
Halkaas markii ay sheekadii maraysay ayaa waxa taleefan la soo baxay Muuse Biixi. Dabeed waxa uu Missed-Call u diray ina Kaahin.
Maxamed Kaahin oo ku soo celiyey: hello. War Muuse niyow miyaan teleefanka lacagi kuugu jirin waa maxay Missed-Callkan yar ee catada ahi.
Muuse Biixi: waar Maxamed indr mayee kii Sacad Cali Shire ayaan ku idhi inoo dhaqaalee lacagtoo maalintii Hal Dollar ayuu iigu soo shubaa halkiina anoo Farmaajo la hadllaya ayuu iga go’aye. Ii warran.- “dee bahalka Free ayaa laga dhigtaa yaa ku xisaabinaya”.
Waar bal horta dee noogu kaalaya halkeennii waannu joognnaa annaguye idinkuun baa naga maqane. Haye. Haye.
Dabeeto waxa yimid Maxamed Kaahin oo wata. Ina Gaafaadhi, Hinda, iyo Afartiisii wasiir ee kale.
Maxamed Kaahin: Waar bal dalkii ka warrama.
Muuse Biixi: waar kuwii oo iska qaylqaylinaya maahane dalku wuu kala socdaaye haye. Bal idinku iska warrama, wlhi waynu dhannahay. Qarankii ma cid baa inaga maqan. Waaba Jeegaantii kulli.
Maxamed Kaahin: mayee cid kale inagama maqnee waxa maqan oo keli ah. Labadii reer Sool iyo Labadii Reer Boorame iyo Shukrri Bandare. Ee shirka inoo wada hadhow ayaynu u sheegaynnaa iyagana wixii aynu soo saarnnee.
Muuse Biixi ayaa hadalkii qaatay:
“Nimanyohow dalkii waakaas oo waynu haysannaa, dadkanina way waalanyihiin oo intaa way buuqayaan, meeshiiba imika wada mucaarad iyo waxbay u eekaatay ee ka taliya.
Maxamed Kaahin: waar niyow miyaad waalan tahay waar dadkani way iska hadllaan, imisaa la inagu qaylinayey waxoodu hadalkaas ma dhaafayo ee hawsheenna waynu wadanaynnaa. Dee reeraha kalena cid metasha waayi maynno.
Muuse Biixi: haa waar mar haddii aynu haysanno Ina Warancadde iyo Faysal Cali Waraabe. Arrinku waa isku fadhiyaa. Labadaas ayuun baynu Casho u samaynaynaa markaynu wax ka garan weynoo iyagaa shir jaraa’iid taageero ah qabanayee.
Halkaas markii ay maraysay ayaa Nuux Taani soo galay. intaanuu hadalkii bilaabin ayaa Soltelco soo booday. Ku ye “Nuuxow adeer meeshan TUKA-RAQ la yidhaahdaa horta xaggay XARAF ka xigtaa, Ina Cali Bilaa igula murmay waa Bari iyo xaggaase.!!!
Intii Taani qosol ku maqnaa, ayuu Muuse Biixi dhirbaaxay. BAB. Oo ku yidhi waar naga saara ciyaalkan Adeer miyaanan ku odhan adigu Hargaysa sheekadeeda ha dhaafin…..
Muuse Biixi oo Cadhaysan ayaa ku soo gabagabeeyey. Nuux Taaniyow bal niyow Doorashooyin ayaa soo socdee naga war hay dee. Xagga Ammaanka.
Dabeeto Shirkii Jaraa’id ee ay Wadajirka u qabteen waxay ka soo saareen warmurtiyeed sidan u dhignnaa.
“Hagbbaddu waa laba gacmood
Hantidu waa nagu annaga,
Xilalka cidda ugu habboon
Hayb baa lagu xulanayaa,
Kuwaas handaraab leh iyo
Ninkii hadlayaa danee,
Horaa loo soconayaa.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this