Deeq A. Posted January 16, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Munaasabad lagu soo dhaweynayey Dr Axmed Mursi oo ku taqasusay cudarada Haweenka ayaa ka dhacday Xarunta Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ee magaalada Muqdisho. Xafladan oo si heer Sare loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Cisbitaalka, Dhaqaatiir, qaar kamid ah Howlwadeenada Caafimaadka iyo Marti Sharaf kale. Agaasimaha guud ee Isbitaalka, Cabdirashiid Maxamed C/laahi, oo madasha ka hadlay ayaa ugu bishaareeyay Haweenka xamaalida ah in muddo bil ah oo Isbitaalka ufidinayo adeegyo bilaash ah. Isaga oo sii hadlaya ayuu Agaasimaha soo dhaweeyay dhaqtarka cusub Axmed Mursi kaasi oo adeegan bilashaka ah ama la’cag la’aanta ah mudada 30 cisho ka shaqayn doono, isaga oo haweenka ugu baaqay inay ka faa’ideystaan. Dhinaca kale, qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ayaa soo dhaweeyay adeegan uu Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ugu deeqay dadka danta yar, kuwaasi oo ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ayaa bixiya adeegyo caafimaad oo tayo leh, kuwaasi oo uu ugu deeqo bulshada danta yar oo ay inta badan horay uga faa’iideesteen dadka aan awoodin qarashaadka. The post Isbitaalka Somali Syrian oo daahfuray adeegyo bilaash ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites