Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgarad cambaareeyay weerarkii Kenya ee xarunta Hormuud

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Imaam Cumar Macalin Abshir ayaa ka hadlay weerarkii ay ciidamada Kenya ku gubeen xarun ay shirkada Isgaarsiinta Horumuud ku leedahay Cali-guley ee gobolka Jubada Hoose.

Imaamka, kaasi oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa ugu horeyn sheegay inuu murugada la qaybsanayo maamulka shirkada Horumuud.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu si kulul ucambaareeyay falkaan soo laab-laabtay, wuxuuna cod dheer kaga codsaday madaxda qaranka inay Guddi usaaraan arrintaan, si loola xisaabtamo ciidamadii ka dambeeyay.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Share.mp3

The post Waxgarad cambaareeyay weerarkii Kenya ee xarunta Hormuud appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this