Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo ku dhowaaqay ballan-qaad cusub oo ku aadan maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Isaga oo ka hadlayo munaasabad maanta lagu caleema saareyay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sameeyay balan qaad cusub oo ku aadan wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in dowladda dhexe ay wada shaqeyn wanaagan la yeelato dowlad goboleedyada, waxa uuna intaas ku daray in loo baahanyahay in si wadajir ah ay danaha shacabka Soomaaliyeed uga wada shaqeeyaan.

“Waxaan balan qaadayaa in xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyneed aan la yeelan doono maamul goboleedyada, wayna ii muuqataa in xiriirka uu soo hagaagayo” ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si buu yiri loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed.

Balan qaadkaani cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay Munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu ifafaalo wanaagsan ka bixinayaa xiriirka dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this