Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay in weerarkii Nairobi uu jawaab u ahaa go’aankii Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa xog dheeri ah ka bixiyay weerarkii ay ka geysteen hotelka Dusit ee xaafadda Westland, kaasi oo ay sheegeen inay ku dileen inka badan 47 ruux.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa saacado kadib ka hadlay weerarka iyo ujeedada laga lahaa, isaga oo sheegay inay ku dileen dad badan oo Kenyan ah iyo ajaaniib kale.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ugu magac dareen Labeyka Yaa Qudus, islamarkaana laga gaaray guulihii laga doonayay.

Cali Dheere, wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa jawaabta Donald Trump ee aqoonsiga Qudus uu u aqoonsaday caasimada Maamulka Yahuuda ee Israel, isaga oo sheegay inay difaacayaan Shacabka Falastiin.

Guuto loogu magac daray Katiibada Saalax Nabhaan ayuu sheegay inay weerarkaasi ka fuliyeen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay warbixinta Cali Dheere, iyaga oo shaaciyay inay soo bandhigi doonaan shirka Jaraa’id ee Cali dheere oo uu xog badan kaga bixinayo weerarka ka dhacay Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this