Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakiilka Somaliland U Fadhiya Dalka Kenya Oo Cambaareeyey Weerarkii Lagu Qaaday Hudheel Ku Yaalla Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.

baaaaasheeeeee.jpg

Siduu maanta daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya.

Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid fulaynimo oo argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this