Deeq A. Posted January 16, 2019 Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax ka dhacay inta udhaxaysa isgoysyada Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in qaraxa uu ka dhashay Miino lagu soo xiray gaari nooca ay Soomaalidu utaqano Qooqanta oo wadada marayay. Ugu yaraan hal askari oo qaybta dambe ee baabuurka saarnaa iyo qof shacab ah oo wadada marayay ayaa ku dhaawacmay qaraxa. Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga uu leeyahay mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyada weerarkaan oo kusoo aadaya xili amniga Muqdisho si wayn loo sugayo. The post Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites