Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Kenya oo shaacisay war cusub oo ku saabsan weerarkii Shabaab ee Dusit

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in lasoo gabo gabeeyay weerarkii Al Shabaab ay ka geysteen xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Weerarkaasi ayaa dowladda Kenya waxay xaqiijisay in ku dhinteen ku dhawaad 18 ruux, waxaana wasiirka arimaha gudaha Kenya uu shaaciyay in weerarkaasi gabi ahaanba lasoo afjaray.

Wasiirka Amniga Gudaha Fred Matiangi’i oo ay garab taagan yihiin Madaxa hay’adda Bisha Cas Kenya Cabbas Gulet iyo saraakiisha booliska ayaa shir jaraa’id ku qabtay albaabka DuSit D2, iyaga oo shaaciyay in howlgalka uu soo idlaaday.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan khasaaraha guud, kadibna ay warbaahinta la wadaagi doonaan waxyeelada ka dhalatay weerarka.

AL Shabaab oo shalay sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay in ku dhawaad 47 ruux ay ku dileen weerarkaasi oo ku bilow gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaasi uu muujiyay sida ay kaga adkaadeen ciidamada kala duwan ee dowladda Kenya.

Madaxweyne Kenyatta oo dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada, isaga oo ugu baaqay shacabka Kenya inay isku duubnaadaan.

lab.jpg kw.jpg Nairobi-2.jpg Boinnet.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live,com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this