Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war cusub kasoo saartay khasaaraha weerarka Nairobi iyo tirada ‘caddaanka ay ku dishay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay khasaaraha weerarkii ay ku qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku baahisay warbaahinteeda ku sheegtay in tirada dhimashada weerarka ay tahay 50 qof, taasi oo aad uga badan tan ay sheegtay dowladda Kenya.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyattta ayaa khudbad uu u jeediyay qaranka, ku sheegay in 14 oo shacab ah lagu dilay weerarkan lagu qaaday dhismaha DusitD2, halka 700 oo qof ay soo bad-baadiyeen ciidamada amniga.

Al-Shabaab waxa ay sidoo kale sheegatay in dadka ay weerarka ku dishay ay ku jiraan 17 qof oo caddaan ah.

“Meydadka 17 qof caddaan ah ayaa yaalla goobta weerarka, khasaaruhuna waa mid sii kordhaya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Britain ayaa xaqiijiyay in min hal muwaadin looga dilay weerarka.

Hotelka DusitD2 iyo dukaamada ayaa ku dhex-yaalla dhismaha la weeraray ayaa ah goob caan ah oo ay ka adeegtaan dadka dalxiisayaasha ah ee ka yimaada, Mareykanka, Yurub iyo India.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii September ee sanadii 2013 weerartay suuqa Westgate ee Nairobi, halkaasi oo ay ku dishay 67 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this