Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid gaari, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Banaadir iyo Hotel-ka Karmel.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga oo ahaa nooca loo yaqano Qooqanta uu qarxay xilli uu wadada socday, haseeshee aanay weli caddeyn in uu ku xirnaa qaraxa iyo in waddada loogu aasay.

Qaraxa kadib ayaa gaariga waxa ka kacay dab xooggan kaa soo uuradiisa laga dareemay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir.

Macada cidda saarneyd gaarigaas iyo khasaaraha ka dhashay, haseeshee waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this