Deeq A. Posted January 16, 2019 Afmadow ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa ku warramayaa in maanta dagaal Beeleed khasaaro geystay uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa uu ka qarxay deegaanka Goobeeyo oo hoos yimaada degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay illaa 6 Qof oo ka kala tirsan maleeshiyaadka ku dagaalamay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu salka ku hayo arrimo la xariira aanooyin Qabiil oo u dhexeeya Beelahaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hataan kacsan, iyadoona maleeshiyaadka labada dhinac ay isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay. The post Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay G/ Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites