Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo wada wadatashiyo ku aadan qorshaha Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS Mudane Asad Yuusuf Qanyare oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarinta qorshaha 9-aad ee shanta sano ee socota, kaas oo haatan wadatashigiisu ay wado wasaaradda.

Agaasimaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay laheyd bariisamaadkii illaa sideed qorshe oo tododbo ka mid ah ay si rasmi ah u dhaqan gashay wixii ka horreeyay 1990-kii.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan la amba qaaday diyaarinta qorshaha sagaalaad oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, wax soo saarka iyo yareynta baahida loo qabo dhibaatooyinka saboolnimada ee haatan ka jira dalka.

Maalmihii la soo dhaafay wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waday wadatashiyo guud oo ku aadan diyaarinta qorshaha sagaalaad ee Qaranka.

The post XFS Oo wada wadatashiyo ku aadan qorshaha Qaranka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this