Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Barre “waxaan dilnay 20 ka tirsanaa Al Shabaab”

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye ( Sh. M. Network )-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsanAl Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen degmadaasi.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 20 ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhankooda dagaalkaasi looga dilay labo Askari, sida uu hadalka u dhigay.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya degmada Afgooye oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya.

The post Guddoomiye Barre “waxaan dilnay 20 ka tirsanaa Al Shabaab” appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this