gooni Posted January 18, 2019 Geellu waa xoolo barakaysan. Shaqadiisuna ma dhib yara waxaa igu cusub maro ama tuwaal naasaha looga tirtiro intaan la lisin, waa aqoon qurbo joogtu soo kordhisay sidaan filayo Geella naasihiisa iyo digadiisu isma gaaraan, digadiisana sayntuu ku firdhiyaa haduusan xanuunssnayn markuu fadhiyana inta badan naasuhu dhulka ma gaaraan waa haybad u gaara Waxaa jira dad ula dhaqmay sidii digaagii oo meel ku xareeyay si ay dhaqaale caanihiisa uga sameeyaan magaalooyinkana ugu beec geeyaan. Waxaa igu maqala inay siiyaan buskut dhacay iwm waxay u arkaan nafaqo ay caano badan uga heli karaan taasina waxay keentaa in digadiisii isu bedesho dareere waana lagu khasbanyahay xataa in la iska dhaqo intaan la lisin. Waxaan ku arkay geel ku xaraysan oo aan sidaa usii badnayn magaalada "oog" kuray agtaagnaana wuxuu ii sheegay inuu daaqsin geeyo oo fiidkii un soo xareeyo. Iima saamixin inaan caano ka cabbo safar iyo suunka surwaalka oo igu dhuuqsanaa dartiis. Ciidda soomaalidu waa "bikro" ayadaana lagu faro xalan karaa waxaadna ku garan kartaa markii dhibic roob ah ku dhacdo udgoonka kasoo baxa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dahireeto Posted January 20, 2019 Stunning and amazing. That is our true lifestyle. We totally forgot about our roots and we came from. We are all chasing burgers in the Western world. Quote Share this post Link to post Share on other sites