Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Soomaaliya Oo Si Adag U Cambaareysay Weerarka Lagu Qaaday Hotel Ku Yaalla Magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar Argagixiso oo shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotel ku yaal magaalada Nairobi oo lagu magacaabo DusitD2.
Weerarkan oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa afar nin hubeysan ay u suura gashay in gudaha Hotelka galaan, dabadeedna ay bilaabeen rasaas.

2019116636831954988883583wasircawad.jpg

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay ku garab-taagan tahay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

“Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Hotel Dusit, waxaana weerarka ahaa mid lagu soo beegay sanad-guuradii 3aad ee weerarkii Saldhigga deegaanka Ceel Cadde ee ay Ciidamada Kenya ku lahaayeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this