Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Guurtida Oo Yeedhay Madaxda Ugu Sarraysa Xisbiga WADDANI, Shir Hadda U Socda + Magacyadda Mas’uuliyiinta Ku Sugan Shirkaasi Iyo Arrimaha La Filayo Inay Ka Wada-hadlayaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddigii ka koobnaa 25 Xildhibaan ee Golaha Guurtida Somaliland u saareen ka soo talo-bixinta muddo kordhin loo sameeyo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa saaka u yeedheen madaxda ugu sarraysay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

CABDIQAADIR-JIRDE-1.jpg


Guddigan golaha guurtida iyo hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI ayaa waxa uu hadda shir albaabadu u xidhan yahay uga socdaa xarunta golaha guurtida.


Kulan ayaa waxa la filayaan in lagaga arrinsanayo muddo kordhinta ugu haboon ee loo samayn doono labada golle ee wakiillada iyo deegaanka dalka.


Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID ayaa hore waxa ay war-murtiyeed uga soo saareen muddada ugu haboon ee ay doonayaan in loo kordhiyo labada golle ee muddo dhaafka ku fadhiya


Wariyaha shabakadda Somalilandtoday oo ku sugan xarunta golaha guurtida ayaa waxa uu sheegaya in mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Murrashaxii Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.


Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

Somalilandtoday/Hargeysa/Office
Xamse Maxamed Iiman
hamzeiiman123@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this