Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Iyo Golaha Qaramada Midoobay Oo Ka Hadlay Weerarkii Nairobi Ee Al-shabaab Fulisay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Washington) Dowladda Mareykanka iyo Golaha Qamarada Midoobay ayaa si kulul u canbareeyay weerarka ka socda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa muujiyay in ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Kenya.

3849940D-EB93-4058-A48E-6076FA75EEF3.jpe

Sidoo kale war ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kala shaqeynayo Kenya sidii looga caawin lahaa amniga iyo xaqiijinta iyo ay jiraan muwaadiniin Mareykan ah oo waxyeelo soo gaartay iyo in kale.

Waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashey weerarkii ka dhacay Hotel Dusit2 ee xaafadda Wesland ee Nairobi,kadib markii kooxo hubaysan ay qaraxyo iyo rasaas ay ku weerareen halkaasi,balse ciidamada ammaanka ayaa dad badan ka badbaadiyay weerarkaasi.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa lagu dabiibayaa isbitaalada kuyaala magaalada Nairoobi,kuwaasi oo isugu jira Kenyan iyo dad kale oo ajaanib ah oo ku sugnaa hotelka weerarka uu ka socda iyo ag agaarkiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this