Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmada Kaaraan Oo Dhawaan Helaysa Garoonka Kubadda Cagta Oo Loo Dhisaayo Qaab Caalmi Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoonka kubada cagta qoobdooro ee degmada Kaaran oo kamid ah garoomada caanka ah ee ku yalaa Gobolka Banaadir ayaa 15 bishan waxaan dhagax dhigay maamulka Gobolka Banaadir waxaana la sheegay in dhawaan loo dhisidoono qaab-casri ah si loogu faa’ideeyo dhalinyarada iyo shacabka degmada Kaaraan oo aad u xiisaya tartamadda kubbadda cagta gudaha.

50813515_520334618452615_133257846618010

Cabdifitaax Nuur Cali oo ah gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa u mahad celiyay maamulka Gobolka Banaadir sida ay dhagaxdhigeena garoonkan oo furo u noqondoono is-dhaxgalka bulshada  iyo bilicda degmada uu maamulka ka yahay.

49896829_520334281785982_776197519209136

“Waa bilaw fiican in degmo ka mid ah Gobolka Banaadir ay hesho garoonka lagu ciyaaro kubbadda cagta waana wax kaliya ee lagu horomarin karo tartamadda ay qabtaan xirirka kubbadda cagta iyo maamulka isboortiga Gbolka anigoo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waan u mahad celinaynaa cidwalbo ka qeyb qaadatay arintan waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Cabdiqani Saciid Carab oo ah gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka.

49938792_520334601785950_268585521727825

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqan caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (EngYariisow) ayaa sheegay dhagax dhiga garoonka kubbadda cagta qoobdoore  ee degmada Kaaraan oo ku yimid wadatashi ay la yeesheen maamulka iyo shacabka degmada .49948115_520334711785939_782474325719934

Degmada Kaaraan markii loo eego ka qeebgalka tartanka sanadlaha ee kubbadda cagta degmooyinka  Gobolka Banaadir sida laga soo xigtay xafiiska maamulka ciyaaraha Gobolka waa kooxda ugu taageeraha badan hadii ay heelaan garoonka waxa uu ka saacidoonaan waxyaalo badan oo guula u horseedi kara mustaqbalka sidoo kalane wuxuu faa’ido yahay kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this