Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo Baydhabo u Tagey Ka Qeybgalka Caleema Saarka Madaxweynaha K/galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa gaaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah.

Ulajeedka madaxweynaha u tagay magaaladaasi ayaa ah ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Sidoo kale, Baydhabo waxaa ku sugan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ah guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo goor dhow ay munaasabadda caleema saarka bilaabatay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this