Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo,si ay uga qeybgalaan Caleema saarka Madaxweyaha K/Galbeed.

Waxaa ku so dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladaasi Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada magaaladaasi.

Wafdiga ayaa loo galbiyay goobta ay ka dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan Laftagareen,halkaasi oo ay ku sugan yihiin guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyo madax kale.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,inta ay socoto munaasabadda caleema saarka,iyadoo la arkayay ciidamada amniga dowladda oo ku guda jira gudashada waajibaadkoodi oo la xiriira xaqiijinta amniga.

The post Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this