Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhuru Kenyata: Waa lasoo afjaray argagixisadii, waxaana geeriyooday 14 qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata oo goor dhawayd shir jaraaid ku qabtay magaaladda Nayroobi ayaa faah-faahin ka bixiyey weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotel ku yaal magaaladaas, wuxuuna Kenyata sheegay in lasoo afjaray kooxdii gudaha u gashay dhismaha 14 Riverside Dusit complex oo ku yaal degaanka Westlands ee magaalada Nayroobi.

Mr. Kenyata wuxuu xaqiijiyey in dhamaan dagaalyahanadii la laayey, isla markaana dhismahaas laga saaray in ka badan 700 oo qof oo ku sugnaa halkaas, ayna weerarkaas ku geeriyoodeen 14 qof oo rayida.

“Hawlgalkii amniga ee Dusit wuu dhammaaday, argagixisadiina waa la tirtiray. Xilligan la joogo, waxaan xaqiijinaynaa in 14 qof oo aan waxba galabsan lagu waayay gacmaha argagixisada, halka ay qaar kalena dhaawac yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Kenyata.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ku raad joogaan dhammaan kuwii ku lugta lahaa weerarkan, hadii ay ahaan lahaayeen kuwii maalgeliyey ama fududeeyey.

“Waxaan raadin doonaa qof kasta oo ku lug lahaa maalgelinta, qorsheynta iyo fulinta ficilkan naxdinta leh, kamana daali doono inaan meel kasta oo ay joogaan ugu tagno tan iyo inta si dhaba loola xisaabtami doono” ayuu yiri Kenyata.

Dalka Kenya waxaa maanta laga dareemayaa baroordiiqda loo samaynaayo dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay weerarka ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotelka ku yaala magaalada Nayroobi.

PUNTLAND POST

 

The post Uhuru Kenyata: Waa lasoo afjaray argagixisadii, waxaana geeriyooday 14 qof appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this