Deeq A. Posted January 16, 2019 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qeeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen. Amaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa magaaladaasi ciidamo aad u hubeeysan. Sidoo kale waxaa halkaasi gaaray gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Dhinaca kale waxaa halkaasi gaaray xubno katirsan madaxda maamul goboleedyada. Xaflada caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa ka dhaceeysa maanta Baydhabo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites