Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qeeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen.

Amaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa magaaladaasi ciidamo aad u hubeeysan.

Sidoo kale waxaa halkaasi gaaray gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Dhinaca kale waxaa halkaasi gaaray xubno katirsan madaxda maamul goboleedyada.

Xaflada caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa ka dhaceeysa maanta Baydhabo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this