Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Al Shabaab ka geysteen magaalada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Al Shabaab ay ka geysteen hotel ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi, kaasi oo ay sheegeen inay ku dileen ku dhawaad 50 ruux.

Weerarka ayaa dowladda Kenya waxay sheegtay in lagu dilay 15 ruux, iyadoo Al Shabaab ay sheegteen inay ku dileen ku dhawaad 50 ruux oo ku sugnaa gudaha hotelka ay weerareen.

KU dhawaad 150 ruux ayaa la arkayay oo ku sugnaa gudaha hotelka oo raadinaya meel ay ku baxsadaan, waxaana badankood ay ku baxsadeen wiishahka Hotelka, halka qaarkoodna ay ka carareen goobta.

Dadka dhintay ee dowadda ay shaacisay ayaa ka koobnaa 15 ruux, waxaana ay kala ahaayeen 11 Kenyan ah, hal American ah iyo ruux British ah, laakiin dadka kale lama xaqiijin wadamada ay u dhasheen.

Dowladda Mareykanka waxay xaqiijisay in ruux kamid ah muwaadiniintooda uu ku jiray dadka weerarka ku dhintay, “Waxaan xaqiijineynaa in muwaadin American ah uu ku jiray dadka dhintay”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Waaxda arimaha dibada Mareykanka.

Al Shabaab ayaa weeraro dhimasho geystay ka fuliyay xarunta Ganacsiga West gate iyo jaamacadda Gaariga oo ay ku dileen 150 ruux, waxaana weerarkaan uu kamid noqonayaa weerarada ay ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Dowladdo badan ayaa cambaareeyay weerarka Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa ee ka dhacay hotelka ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this