Sign in to follow this  
Deeq A.

“DF waxaa u furan 2 arrin, in qodobka diinta dalka la beddelo oo Roberts uu Bile ku dhaarto iyo inuu…”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan, Cabdirisaaq Cumar Maxamed aya sheegay in qof aan haysan diinta Islaamka ah oo loo dhiibo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ay ka hor-imaneyso qodob dastuuri ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter, ayuu xildhibaan Cabdirisaaq ku sheegay in qodobka 2-aad, faraciisa koowaad ee dastuurka dalka uu dhigayo in diinta Islaamka ay tahay diinta waddanka.

Sidaas darteed, buu yiri, Xukuumadda federaalka waxa ay haysataa laba ikhtiyaar oo kaliya, si aan qodobkaas loo burin.

“1 – Si Nigel Roberts uu u nodo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaa dowladda u furan inay bedesho qodobkaas dastuuriga ah oo uu Roberts ku dhaarto kitaabka bible-ka. 2- In uu qaato diinta Islaamka, oo uu ku dhaarto kitaabka qu’raanka kariimka ah”.

Article 2 (1) Islam is the religion of the State.The FGS has only one option change the above article to accommodate Nigel Roberts take the Governor of central bank job and take the oath in the Bible. 2nd option 4 Nigel is to convert to Islam and take the oath in the Quran

— Abdirizak Mohamed MP (@AbdirizakOm) January 15, 2019

Inkasta oo warbaahinta Soomaalida ay aad u hadal hayaan in guddoomiyaha bankiga dhexe loo magacaabayo Nigel Roberts, oo British ah, haddana xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in weli shaqsigaas aan go’aan laga gaarin, balse uu noqo doono qof ajnabi ah.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyey sharci ogolaanaya in maamulka Bankiga dhexe ay ka mid noqon karaan dad aan Soomaali ahayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this